Saturday, July 4, 2009

TACSI GEERIDA MARXUUMAD KHADRA JIRDE XUSEEN

TACSI GEERIDA MARXUUMAD KHADRA JIRDE XUSEEN


Inaalilaah wa innaa ileyhi raajicuun,

Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u diryaa Reer Jirde Xuseen iyo reer Yuusuf Odawaa (reer Carmiye) oo ah ubadka ay ka geeriyootay habarwadaagtay marxuumad Khadra Jirde Xusseen oo maanta oo Jimce ah Taar. 03/07/2009 ku geeriyootay magaalada London U.K. Waxaan sidoo kale tacsideynayaa waalidka marxuumada , duriyadooda, ehel kale, asxaab, qaraabada, xigto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan.

Marxuumad Khadra Jirde, waxay u jiiftay xanuun ayna ka kicin oo haleelay duqeentii iyo qaxii Hargeysa ee 1988, waxay ahayd ruux adkeysi badan oo wajigeeda farxad iyo soo-dhoweyn ku salaami jirtay cid kasta oo soo siyaarata. Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu dhibta soo martay iyo samirkeeda ugu deeqo naxariistiisa oo uu ka yeelo kuwa uu ku manaysto Janatul fardows. Waxaan si gaar ah ugu ducaynayaa Sucaad iyo Maryam oo muddadaas xanaano iyo adkeysi u lahaa xanuunka marxuumada oon habeen iyo maalin ka daalin xanaano joogta ah. ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu samirka iyo kheyrka ay hooyo Khadra u fidiyeen ka abaal mariyo if iyo aakhiraba. Aamiin.

AASKA WAXAA LA XAQIIJIN KARAA ISNIINTA KU-TALAGALKU SE WAA SALAASADA 07/07/2009 IYO MAGAALADA LONDON .


Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
07961 600 896





--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 7/04/2009 01:24:00 AM


No comments: