Thursday, September 17, 2009

Ajarka Ku Jira Akhriska Quraanka Kariimka Ah Bisha Ramadan

Ajarka Ku Jira Akhriska Quraanka Kariimka Ah Bisha Ramadan

Waa Bisha Ramadaan ee la soo dejiyay dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun dadka u ahiyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ee ruuxii jooga(nagi) ha soomo, ruuxiise buka ama safar ah,waxaa saran maalin kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culays,waana inaad dhamaystirataan tirada Waynaysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyay, waxaadna u dhawdihiin, mudan tihiin, inaad mahadisaan Eebe)) (Al-Baqrah:185))

Quraanku waa hagaha ummadda, hagaajiyaha bulshada, haqabtiraha dadka, Ilaahay waxa uu ka xardhay wax kastoo oo uu Bini'aadmigu u baahanyahay ha noqoto waxay ku liibanayaan, waxay ku khasaarayaan, waa kala bixiye, waxa uu kala saarayaa xaqa iyo baadilka, xumaanta iyo samaanta, xalaasha iyo xaaraanta, waxa uu hagayaa ka halawsan, dabiibayaa ka dawakhsan,rajo u samaynayaa ka quustay, u digayaa ka Xadgudbay, ee ka halawsan xaqa.

Quraankana waa mucjis aan dhamaanayn waxa uu ka sheekaynayaa dadkii tegay iyo waxay kasbadeen, kuwa imika jooga iyo waxa ku habboon inay sameeyaan, iyo waxa soo socda ee ay ka mid tahay Maalintii waynayd ee magacaanta badan lahayd waa maalinta kalabaxa, qiyaamaha, jano iyo naar sida ay dadku ku mutaysanayaan

Quraanku waxa uu soo degay bisha barakaysan ee Ramadaan, waa bishii quraanka waxa la inooga baahanyahay inaan bishan ramadaan aan badino Quraan akhriska inagoo waliba ku ladhayna dhugashada iyo fahankiisa, waxa uu ahaa Malakul JIbriil(Nabdgalyo korkiisa ha ahaatee) kii la dhameeya Nebiga(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee).

Quraankan maalintaa la noolaano, ee aan dareenno waxa uu inoogu yeedhayo iyo waxa uu inooga digayo, nafaheena badalo, uga maarmi wayno sida kalluunku aanu uga maarmin biyaha, maalintaas ayaan nafteena ka adkaan doonnaa, oo aan dadkeenana wax u tari karnaa, is bedlkuna waxa uu ka yimaadaa Quraanka

Walaalayaal waxaa is waydiin maxay inaga haysta Quraanka ee aan u fahmi la'anahay?

Bal u fiirso aayadan ((Haddii Quraanka uu Eebe buur ku dejiyo(kula hadlo) waxaad arki lahayd Buurtii oo Khushuucsan oo Dillaaci cabsi Eebe darted))(Al-xashr:21) waa buur oo aan u naqaano waxaan noolayni balse ma jiro adduunka shay Ilaa iyo Ilaahay buu u tasbiixsanayaa, waxa inaga haysta waa inaggoo aan isku taxalujinayn inaan fahano, Haddii Interview(waraysi) aynu galayno, waraysigaas oo aan faa,iido wayn ku helayno, waxaynu si wacan u sii eegnaa waraysiga waxa la inooga baahan yahay, inagoo weedh walba oo ku qoran doonayna inaan dhan walba ka eegno, walaalayaal aan isku taxalujino inaan Quraanka Fahanno,

Tusaake ahaan Saxaabigii caddaaladda badnaa ee Cumar Bin Khadaab waxa uu ahaa kii la nool Quraanka sharafta leh, ee ka qaadanaya sharixiisa iyo fahankiisaba Nebiga (nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) ilaa uu gaadhay heer u dhaco oo ay dhakhaatiirtu garan waydo waxa ku dhacay, waxa uu ahaa kii haddii uu maqlo aayad isagoo cadhadiisu ay xadka dhaaftay oo wax la sameeyo la garan laayahay kii qabooba oo sidiisa ku soo noqda, Habeen habeenada ka mid ah ayaa isagoo soo indha –indhaynaya dadkii uu ka masuulka ahaa waxa uu soo maray guri uu nin muslimiinta ka mid ahi leeyahay isagoo ninkaasi tukanay salad waa uu dhagaystay isagoo akhrinayana suuratu Dhuur markuu soo gaadhay (( Cadaabka Rabbigaagu waa mid dhacaya)) ayuu yidhi waa dhaar walaahi Ilaaha kacbada lihi ku dhaartay oo xaq ah dameerkiisii buu ka soo degay markaasuu gidaar qabsaday waxooga ka dibna wuxuu ku noqday gurigiisii waxaanu xanuusaday bil iyadoo ay dadku soo booqanayeen oo aanay garanayn waxa uu yahay xanuunkiisu.

No comments: