Saturday, September 19, 2009

CIID MUBAARAK..KU CIIDA CAAFIMAAD.



CIIDA HA LEYS CAFIYO, DUCO NIYAD AH OO NABAD IYO CADAALAD DOON AH MEEL KASTA HA LAGA OOGO
By
Ahmed Arwo

Waa ciid barakaysan, carro Soomalina waxa ka taagan col iyo abaar, dil iyo dhac, xabsi iyo xatooyo, xaq-darro garab haysata iyo miskiinbaa misko la fuule leh. Isuma naxdo, isma taageerto, isma wareysato, xin iyo xaasid ayaa loo tafaxeytay, xan iyo been ayaa la sharciyeysatay,munaafaqii waxuu noqday siyaasi tabo badan, afmiinshaar waxuu noqday oday reer magaal ah, faajirkii cayda badnaa waxuu noqday halyeel ragga dhulka la dhaca, tuugii waxuu noqday ninka reerka wax tari kara, xaq-doonku waxuu noqday nin barmiil daloola wax ku guraaya, waa leysu itaal sheegtay, xal ayaan rabaa oo xaq ma doonaayo, waxay noqotay mabda' la xalaashaday si looga baxana adagtay...cidda qabsoomaysa ayaa la qabtaa ee xaqqa halkaa inaga dhiga...Intaybay sidan ku socon.

Masiibada col iyo abaar mataanaysay waxa lagaga bixi karaa waa dariiqii Rasuulku SCW inoo jeexay oon ku soo noqono, waa xumaanta oo dhan laga noqdo, waa xaqqa oo loo hiiliyo, waa adigoo naftaada la xisabtama, isu taaga hiilka dan-yarta iyo inta dulman, waa adiga oo runta u gurmada, beenta ka fogaada. Waa ciid ee aan wanaaga is farno,ku camal falno, xumantana ka fogaano. Niyad san, qaalbi quman, iyo maskax maankeeda wadata aan arrimaheena ku agaasino, ku daaweyno. Illaahay aynu ka barino nabad iyo caddalad, aan u duceyno inta bukta, inta baahan iyo inta dulman.

Waxa dhammaatay bishii quraanka, bishii raxmadda, bishii barakada, bishii Ramadaan.Waxa guulaystay intii soontay, intii habeenkeeda ku nooleeysay salaad, quraan akhri, duco iyo dikri. Waa kuwaas kuwa farxadda ciidda isu diyaarinayaa. Waxa hoog, ciil iyo cabsi soo wajahday kuwii amarka Illaahay gees maray, kuwa ayaamo yar oo la tirinaayo u arkay dhib ayna ka gayooneen. Waxay isweydiiyaan oo durtaba sowtan Ramadaan dhammaatay. Isu-diyaarinta ciddu waa mid mideeysa ummadda Islaamka oon midab, af iyo degmo midina kala xidhin.Waa cibaado aan sida soonka aan kala saarin mujtamaca, oon marna loo eegin kaalinta qofku kaga jiro bulshada.
Ciddu Waa Maalin Farxad Iyo Reynreyn Islaamku Ku Midoobay, Ee Dhammaan Ciid Mubarik.Waxaan hanbalyo ciideed u fidinayaa dhammaan Islaamka adduunka, si gaar ah Soomaalida meel kasta joogta:
Somaliland, Somalia, Jabuuti, Kilinka shanaad, NFD, iyo inta daafaha dunida ku kala baahsan. Ciid wanaagsan Soomaaliyeey, ciid mubaarik meel kasta ood joogtaanba. Illaahay nabad hayna siiyo, hayna tuso tubta loo maro horumarka iyo dhismaha, haynaga duwo dariiqa halaaga iyo burburinta.
Maalqabeen iyo danyar, taliye iyo loo taliye, waayeel iyo dhalaan, rag iyo dumar, waxa waajib ah in la bixiyo sakada fidriga, loona diyaar garoobo salaadda ciidda iyo damaashaadka maalinta dabaaldega.Waa tilmaan cad oo ka markhaati kacaysa sida diinta islaamku u tahay mid ku dhisan sinnaan, cadaalad iyo dhismo bulsho walaal ah.

Hurdadu yeyna ku dhaafin salaadda ciidda.Waa in lagu dhaqaaqaa in la maro dariiqii Rasuulku inoo jideeyey, oo ah in salaadda dariiqa aad u martay, marka ay dhammaato dhinaca kale martaa. Taas mecnaheedu waa inaad laba dariiq kala martaa si aad ula kulanto dad kala duwan.
Waa in sakaatu fidriga la bixiyaa inta ka horreysa salaadda, waxa lagu qadaraa 2kilo iyo badh qootu daruuri ah, maanta Somalida quuto daruuri waxa u noqonaaya waa baraiis, masago, iyo hadhuudh. Lacag ahaan dhinca dalkan Ingiriska waxa lagu qadaraa 3 Gini qofkiiba. Waxayna waajib ku tahay yar iyo weyn qof kasta oo noolaa cadceed dhaca maalinta Ramadaanta u dambaysa.
Waa in caruurta iyo haweenka laga farxiyaa, la siiya hadiyado, loo oggolaadaa inay ciyaaro anshaxa ka teganayn la yimaadaan.Waa in la labistaa oo la maydhaa. Xarago asturan oon lagu talaxtegin waa in lala yimaadaa. Waa in salaanta iyo sadaqada la badsadaa.
Waa in kheyrka la raadsadaa oo takbiirta la akhriyaa.

Haddaba aan wax yar ka sheegno maalinta cidda iyo sifaha islaamku u arko. Maalintan oo magacyo dhowr ah loogu yeedha oo dhammaan ina tusaaya qiimaha iyo qadarinta ay mudan tahay.Labada ciidood ee islaamku waxay dhacaan xili muslimiintu ay soo gutaan laba farad oo u baahan in nafta la xakameeyo, lana soo maro dhibaato jidh-ahaaneed iyo mid ruuxi ahba. Waxa la soo gutay soonka Ramadaan oo maalintii oo dhan laga caaganaa cabid, cunid iyo galmaba, habeenkiina lagu soo jeedo salaad iyo quraan akhri. Dadaalkaas iyo gudashadaas waajibka ah, ayuu Illaahay inoo bineeyey inaynu farxadda ciidda ku sogootino. Sidoo kale Ciidda Carafo, waxay ka dambeysaa guditaanka xajka, oo xujaydu ay isaga yimaadaan daafaha dunida, iyagoo ehelkood iyo dalkoodaba ka soo baqoolaaya, xarago ka tegaaya, si siman u lugaynaa goobo barakaysan, oon marna la dareemin cidhiidhi iyo culayska dhabta ah ee jira..

Maalinta ciidda islaamku waxuu ku sifeeyaa Maalin Guuleed (Day of Victory). Waa maalin ay guulaysteen inta waajibkeeda gudatay, oo ay gaadheen guushii ay filayeen .Waxa kale oo la yidhaahdaa, waa Maalintii Waxa Goosiga (Day of Harvest), waayo waa maalin Illaahay ka abaal marinaayo cibaadada ay soo guteen, sida ninka beerta falaa uu midhaheeda u goosto xiliga ay baxdo.Waxa kale oo loogu yeedhaa, Maalinta Cafiska, (Day of Forgiveness), waayo Illaahay waxuu cafiyaa inta soonka sida uu inoo faray u toosisay.Waxay Muslimiintu si wadar ah ay u baryaan Illaahay dambi-dhaaf iyo inuu ku manaysto imaan xoog ah iyo khaatumo san. Sidoo kale ayey Muslimiintu is cafiyaan, is bariidiyaan, dholo-caddayn iyo weji furana isku soo dhaweeyaan.
Waxa kale oo la yidhahdaa waa Maalinta Xusuusta iyo Mahadnaqa, (Thanksgiving and Remembrance Day), waa maalin la xusuusto masaakiinta iyo danyarta, waa maalin la xusuusto waalidka, ehelka, waayeelka iyo ubadka, waana maalin loo mahadceliyo Illaahayga ina uumay ee Islaamka inaga dhigay.

Waxa kale oo loogu yeedhaa, Maalinta Nabadda, (Day of Peace), waa maalin uu Muslinku qalbigiisa ku sugo deganaansho, uu si dareen ammaan ah uu qiimeeyo, sida habboon ee uu u fuliyey awaamiirta Illaahay, isagoo dhisay nolol habaysan, oo uu ku xaqiijiyey heshiis nabadeed uu Illaahay amarkiisa ku fuliyey.Ugu dambayn waxa Ciidda lagu sifeeyaa Maalin Damaashaad, (Day of Festivity), waa maalin la xaragoonaayo, ubadka loo saaraayo ciyaaro, leys casuumaayo oo leys booqanaayo, iyadoo la xusaayo maalintan magaca badan ee Illaahay inoo dooray.
Waa maalin intaas oo sifo leh iyo qaar kale oo badan, waa maalin inoo gaar ah, oo Muslinka sinta, mideysa oo walaalaysa.

Waa maalin weyne, waa Maalinta Islaamka, waana Maalin Illaahay. Illaahay ururkeena ha xoojiyo, xaqana heyna tuso, nabad iyo barwaaqana sanadkaa sanadkiisa hayna waafajiyo. Inta bugta Allow bogsii, meehsa colaadi ka jirto Allow nabad ku soo dabaal, Illaahow na gargaar oo naga yeel kuwa dhisa diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba. Aamin.

CIID MUBAARIK DHAMMAANTIIN IYO MAALIN SOO NOQOSHO BADAN OO BARAKAYSAN. KU CIIDA NABAD, CAAFIMAAD, FARXAD BASHBASH IYO BARWAAQO.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K



--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 9/18/2009 05:12:00 PM

No comments: