Sunday, January 3, 2010

Warsaxaafadeedkii 1aad ee Xisbiga sanadka cusub


01 December 2009, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed  Siilaanyo wuxuu la kulmay Mr. John Marshal oo ah Ku-Xigeenka Saafiirka ingiriiska u fadhiya Addis- Ababa iyo Matt woods oo ah second Secretary-ga iyagoo kawada hadlay degganaanshaha, nabad kuwada noolaanshaha dawaladaha Geeska Africa., geeddi socodka dimoqraadiyadda.

Dhinaca kale waxay kawada hadleen doorashooyinka somaliland iyo siday uga go'antahay Dawladda Ingiriiska qabsoomidda  doorasho ee la filaayo inay dhacdo horraanta sannadka 2010. Kulankaasi wuxuu ku dhacay jawi fiican iyo is-faham.

Sidoo kale, waxaa 01 January 2010 Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo uu kulan qado sharafeeda la yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya Mudane Tekede Allamu iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaasi. Kulankaasi oo ay kaga wada hadleen xaaladaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika iyo siday  Bulshada caalamku  diyaar ugu tahay degenaanshaha, xasilloonida iyo nabad kuwada noolaanshaha dawladaha mandaqadda.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen  xidhiidhka iyo cilaaqaadka  wanaagsan  ee labada dal Somaliland iyo Itoobiya, iyo sidii loo sii adkayn lahaa geedi socodka nabada iyo horumarka Somliland iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda. Taasi oo uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed uu uga mahadanaqay soo dhawaynta  kulankaa sharafta leh ee dawladda itoobiya ku qaabishay.
Waxaana la filayaa inuu sii wato kulamadiisa shaqo maalmaha soo socda, isagoo uga sii gudbi doona safarkiisii shaqo ee uu ku tagayo dalka Maraykanka maalinta Khamiista ee bisha January tahay 07 January 2010.
 

Allaa Mahad leh

 
Md. Keyse Xasan Cige

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
 


__._,_.___
Reply to sender | Reply to group
Messages in this topic (1)
Recent Activity:

New Members 10

Visit Your Group Start a New Topic
OGAYSIIS::- Fadlan anshaxa golaha ilaaliya // Ha soo dirin email aflagaado ah // isku day email kooban oo wax laga korodhsado // due to limited space::- emailka aad u jawaabayso dib ha u soo dirin // emailkaaga laba jeer ha soo dirin
MARKETPLACE

Going Green: Your Yahoo! Groups resource for green living

Switch to: Text-Only, Daily Digest • Unsubscribe • Terms of Use
.
__,_._,___

No comments: