Saturday, April 3, 2010

KULAN DIIMEEDKII AAD U BALAARAN OO LAGU QABTAY MAGAALADA OSLO SOCDANA MAALINTIISII LABAAD.

KULAN DIIMEEDKII AAD U BALAARAN OO LAGU QABTAY MAGAALADA OSLO SOCDANA MAALINTIISII LABAAD.

Waxaa maalintii labaad ka socda dalka Norway gaar ahaan magaalada Oslo kulan islaami ah oo la qabto sanadkiiba mar taas oo lagu magacaabo Mutamarul- islaami. Kulankan oo ay isugu yimaadeen culimo ka kala timid dunida  daafaheeda ayaa waxaa lagu qabtay xarun wayn oo aad u qurxoonayd oo loogu talo galay in ay dad waynuhu ku dhagaystaan muxaadarooyinka sidoo kale suaalo diini ah ay ku waydiiyaan culimada halkaasi isugu timid.

Kulan diiniga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay ugu yaraan ku dhawaad tobon sheekh oo ka kala yimid qaaradaha Yurub , Amrika , Africa , iyo Aasiya. Culimada ayaa waxaa ka  mid aha culimadii halkaasi maanta muxaadarada ka jeedinaayey Sheekh Maxamed Umal , Sheekh Siciid Geele, Sheekh Cabdiqaadir  iyo culimo kale oo aanaan halkan ku soo koobi karayn , kuwaas oo mid waliba oo ka hadlaayey mawduuc gaar ah oo ku saabsan nolosha aduunyo iyo ta lagu waarayo ee aha Akhiro.

Sheekh Umal oo Ahaa sheekhii khudbada salaada Jimce tukinaayey ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad aad u saraysa taas oo uu ku sheegayey farqiga u dhaxeeya aduunyada iyo aakhiro , sheekhu waxa uu sheegay in ilaahay nimcada aduunyo uu siiyo gaal iyo muslimba taas oo ah (Caruurta, maalka, caafimaadka, IWM) lakiin se uu sheegay in ilaahay uu ka qadiyey nimcada aakhiro gaalada ilaahayna uu ugu deeqay muslimiinta deeq aan la siinin gaalda taas oo uu yidhi waa (Iimaanka) , sidoo kale sheekhu waxa uu sheegay in Suurada Faatixada (Alxamduye) ay tahay nimaco wayn oo aanu siinay musliminta hadii uu yaqaan in badana kaba sii badan.

Kulankan oo socon doona mudo wiig ah ayaa waxaa ka jeedin doona muxaadarooyin badan culimo kale oo ka kala yimid duni daafaheeda.

Cabdi Ibrahim

Oslo

Norway

No comments: