Wednesday, February 29, 2012

Sheekha mucjisada ah ee Shariif Makididi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

Sheekha mucjisada ah ee Shariif Makididi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Waxa maanta is heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Sheekh Shariif Makididi oo ah wiil mucjiso ah oo u dhashay dalka Tanzania, isla markaana ah xaafudul quraan mujicso ku noqday dunidda islaamka ka dib markii uu hadlay isagoo sagaal bilood jir ah, markii isaga oo yar uu hadlay. waxa uu meelo badan oo dunida ka mid ah ka soo jeediyay muxaadirooyin diin ah.

Waxa madaarka Hargeysa kaga hortagay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo marti-qaadka uu dalka ku yimid isagu u fidiyay iyo culimo-awdiin tiro-badan iyo Guddiga wanaag farista iyo dadweyne kale oo aad u tiro-badan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland qeyb ka yahay safaro uu ku marayo dalalka Afrikaanka.

Sheekh Shariif Makididi oo ka hadlayay socdaalkiisa Hargeysa wuxuu yidhi "Horta inshaallah ILAAHAY (SWT) ayaanu ugu mahad-celineynaa ILAAHAY amarkiisa iyo awoodiisa ayaanu ku soo gaadhay Somaliland. Anigu safarkaygan aanu Somaliland ku nimi ujeedadiisu waa safar diini ah oo afrika oo dhan ayaanu ku wareegaynaa, waxaanu samaynaynaa."

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in shacbiga iyo xukuumadda Somaliland ay niyadsami ku soo dhawaynayaan Sh. Shariif Mekididi, waxaanu yidhi "Muddo 10 maalmood ah ayuu Sheekhu dalka joogayaa oo culimada oo dhan ayay is arkayaan oo madaxda dalka ayay is arkayaan, waxaanan rajanaynaa ILAAHAY subxaanuhu watacalaa inuu karaamadiisa khayriisa siiyo."
"Aniguna walaaltinimo iyo kalkacayl aynu ku soo dhaweeynaynaa waa dalkiisii labaad ama han idhaahdo dalkii koowaad waa qof muslin ah oo karaamo leh,"ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Waqaaftu.

Wiilkan Xaafudul qur'aanka ah ayaa la filayaa inuu maalinta khamiista ah ka jeediyo beerta xorriyadda muxaadiro diiniya oo uu u jeedin doono dadweynaha reer Hargeysa.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: