Saturday, October 2, 2010

TACSI Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi


Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan  tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan  Gobalka Marodijeex ee Xaaji Cali Bootaan Cabdi  ka soo jeeday.
   
Alleh Ha u naxariistee marxuumku waxuu ka mid ahaa  Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland isla markaana ka mid aha Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka  Soomalida  ahaana Oday qaradin iyo xishmad shacabka dhexdiisa ku lahaa. Waxaa lagu xusuustaa doorka weyn ee uu ka qaatay nabadgelyada ay ku faanto Maanta Somaliland iyo Dhidib u taagidda Somaliland. Sidoo kale ayuu ahaa nin door weyn ku lahaa xoreentii dalka ee lixdankii iyo nabadeynta beelaha Soomaliland tan iyo yaraantiisii.
 
Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi oon saaxiibtinimada aabahay aan ku xusuusto, waxa noo dheer xididnimo iyo abtinimo. Marxuum Xaaji Cali waxa maanta oo sabti ah 02/10/2010 lagu aasay xabaalaha Masalaha ee Hargeysa.

Marxuum  Xaaji Cali Bootaan Cabdi, cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, af-gaaban oon tasbiixda ka daalin iyo nin ganacsigu ka mashquulin camiraadda masaajidda. Waxaana laga dareemay sida maanta looga soo qayb galay aaskiisa, oo masjidka weyn ee Al-Huda inta la buuxiyey waliba debedda lagu tugaday, iyo khalqiga iskaga yimid daafaha magaalada  oo min Madaxweyne ilaa dhalinyaro loo galbiyey ilaa iyo halka qabrigiisu ahaa oo ah MASALAHA, kuufurta Garoonka Dayuuradaha ee Hargeysa.   

 Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo
Hargeysa 409 64 21



--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 10/02/2010 09:19:00 PM

No comments: