Friday, March 26, 2010

Madaxweyne, Wasiir aan Wax Ku Tari Karin Waxba Kuma Yeeli Karo..!

Madaxweyne, Wasiir aan Wax Ku Tari Karin Waxba Kuma Yeeli Karo..!
Waa Sunnaha dawladnimo Sannadkiiba mar ama wax ka badan in la isku shaandheeyo ama'se qaarkood xilkaba laga xayuubiyo Golaha Xukuumadda ee markaa jira, si markaa talaabadaasi u noqoto mid kalsooni cusub ku abuurta shacbi-weynaha.

Geesta kale-na u noqoto mid wax ka bedesha dhaqanka ama dareenka Wasiirada ku digo-jabsaday Wasaaradaha qaarkood. Sidaa darteed talaabadii Madaxweyne Rayaale uu xilalkii ay hayeen ugu kala wareejiyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Aggaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha qaarkood, ayaa noqotay mid dad badani soo dhoweeyeen una arkeen Madaxweyne Rayaale shaqsi ku baraarugsan dareenka bulshadiisa.

Dadka aaminsan in arrintaa Madaxweynuhu ku talaabadsaday tahay mid waqti ku haboon timi, waxay doodahooda daliil uga dhigayeen khilaafkii ka dhex aloosnaa Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, khilaafkaa soo markii danbe sababay inuu gebi ahaan-ba uu is taago xidhiidhkii wada shaqayneed ee Wasaarada iyo inuu hakad galo addeegii Caafimaad ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, halkaa soo maalin walba addeeg Caafimaad u soo doona jireen Boqolaal oo dan'yar ah, oo iyagu aan awood inay tagaan goobaha Caafimaadka ee loo yaqaano PRIVET-KA.

Haddaba, markaa taa laga yimaado, waxa jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno ama Aggaasimayaal kale oo kuwaa aynu soo sheegnay aan waxba dhaamin, tusaale ahaan marka loo eego dhinaca waxqabadkooda, kuwaa soo Boqolkiiba Sagaashan aan fulin adeegii looga baahnaa inay bulshada u qabtaan, isla markaana waqtigoodu ku dhammaysta faro gelinta hawlo iyo siyaasado kale oo aanay Xukuumadu u igman. Sida safaro ay ugu baxaan meelo dalka dibadiisa ama gudihiisa iyo mararka qaarkood oo ay Sheeko la dhex fadhiistaan Xafiisyada Wasaaradahooda, halka qaar kale ay xafiisaydooda uga maqnaadaan, iyagoo ka cararaya SHAXAAD.

Dhinaca kale, waxa jira Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno ama Aggaasimayaal aad moodo inay DHAXAL ama YARAD u heleen xilalka ay hayaan, kuwaasoo qaarkood ay Xafiisyada fadhiyeen muddo Toddoba sanno ku dhow, iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax wanaag ah oo lagu xushay, isla markaana ay KHAATI BILAA bulshadu ka taagan tahay.

Masuuliyiintaa soo marka dadweynuhu iska warsado sababta Madaxweyne Rayale ugu dhegan yahay, dadka qaarkood ku micneeyaan in Madaxweynuhu uga habranayo arrimha doorashada awgood, isagoo aaminsan in Wasiirka ama Aggaasimaha uu xilka ka qaadaa inuu taageerayaal badan oo Codadkooda siin lahaa ka lumin doonaan marka la gaadho Doorashada, balse arintu sidaa maaha, waxay'se xaqiiqadu tahay "TIISABA DARYEELAA TU-KALENA KU DARA." Markaa Madaxweyne Wasiir ama Aggaasime markii uu xilka hayey aan waxba tarin [Xukuumada], markuu kaa tagana waxba ma yeeli karo Xukuumada iyo Adiga toona.

Waxa kaloo, xusid mudan in Wasaarada Madaxtooyadu oo iyadu hadda aan shaqo badan qaban ay ku dhaqaaqdo sidii ay dabogal ugu samayn lahayd Wasiirada ama Wasaaradaha si markaa ay warbixin sugan uga siiso Madaxweynaha Wasiirada ama Wasaaradaha fadhiidka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Madaxweyne Rayaale la gudboon inuu ku dhiirado sidii uu arimahaa u surto-gelin lahaa si la mid ah talaabadii uu ku kala wareejiyey masuuliyiintii Wasaarada Caafimaadka, arintaa soo dad badani ku boogaadiyeen Madaxweynaha Rayaale

Wargeyska Yool

No comments: