Sunday, March 14, 2010

UDUB, Xuquuqda Dastuuriga ah iyo kan aadminimadaba haddii ay ka madhan tahay, Dugsashadeedu sow sharciyeyn maaha!!


 
Waxa ay Bulshadu wada dhegeysaneysey qayladii Xildhibaannada xubno ka tirsani ay ka soo deyriyeen , Nolosha jeelasha Somaliland qaarkood iyo Dayaca Maxaabiista halka ku haysta. Waxa la moodaa , marka laga sheekeynayo jeelasha Dalka in aan isticmaarkii weli tegin oo Muwaadiniinta loo xidhey aargoosi lagaga aargoosanayo ,waxa ay u xidhan yihiin, halka ujeeddada saxa ah ee ay u xidhan yihiinna tahay in lagu soo saxo jeelka oo lagu soo baro asluubta toosan si uu qofku isaga oo soo caafimaadey, lana soo barey shuruucda iyo magaalo joogga, xirfad uu ku xoogsan karo oo aan khilaafeyn shuruucdana la soo barey uu ku soo noqdo mujtamaca, Muwaadin saliimana ah.
 
Waxa jira beryahan , dad badan oo xidhan Maxkamad aan Dastuuri ahayn oo Hay'adda nabadgelyada la yidhaahdo, Goleyaashii ay ummaddanu dooratey dal ay dhex joogaan oo ay haddana , Dastuurkan dalka ee dhulka la jiidayo ay ku daawanayaan, wax la sahashado ka weyn. Nimankan Al-Shabaab sheeganayaa haddii ay ummadda Diinta nacsiinayaan oo ay xil aanay qaadi karin, xukun aanay ridikarin sharciyan ee awood muquunis ah masaakiinta ay ku laynayaan, Maamulkanna Dawladnimada iyo isku-xidhnaanta Bulshada ayuu Doollarada ay cashuur ahaanta u soo xereystaan iyaga ku kala furfuraa, kuna sharciyeystaa waxaan sharci ahayn, noqonna karin.
 
Waxaanu codsaneynaa in Guddi Madax-Bannaan loo saaro arrimaha maxaabiista ku xidhan Jeelasha Somaaliland oo soo baadha xaaladahooda nololeed, Caafimaad, hoy, inta xukuman , inta Xukun-suge ah iyo Muddada ay sugayeen maxkamad in la geeyo, inta u xidhan Maxkamaddan aan Dastuuriga ahayn iyo Muddada ay xidhan yihiin. Waxa aanu dareemeynaa in ay jiraan dad muddodhaafey oo iska xidhan, dad Mas'uuliin u xidhan oo aan maxkamadba la horgeyn, haddana xidhan. Waxaanu codsaneynaa, Maamulka la dooran doonona, ogeysiineynaa in aanay jeeelahu ahayn meel xisaabo Siyaasadeed lagu kal goosto ay ay yihiin goobo Muwaadinka qaldama lagu saxo.. Waa in sida ugu habboon ee aynu awoodno loo habeeyo jaleesha oo Dad maxaabiista wax bara loo sameeyo, Farsamo gacmeedyo, aqoonta xisaabaha, karraaninimada, cashuuraha, iyo wixii ay dawladdu u aragto inay anfacayaan.
 
Jeelasha Dalku waa inay Somalilandnimada beeraan ee aanay Muwaadin aaminsanaa dalkiisa markii la geeyey aan isaga oo nacdalaya ka soo bixin ay noqdaan. Dadka la xidho waa in ay dareemaan in Dawladdoodu khalad kasta oo ay galeen daryeeleyso, edbineysona ee aan ciqaab loogu soo xidhin lagu bahdilayo. Mas'uuliinta uu xilku imika ka saaran yahay jeelasha , samankan sharcigu fasaxa ku jiro, laga yaabaa inay wax ka qalloocdaane, meel ay laftoodu ka giigaan yaanay noqonnin wey awoodaan maanta inay wax ka qabtaane!!
 
Waxa aan laynoogu graabeyn in aynu u hoggaansanno sharci-darro, laaluush ka bixinno , waxaynu xaq u leenahay oo shakhsi aad isku xuquuq tihiin aad baad u siisaan, iskuna qancisaan , wax aad ugu yeedhaan , Hawl-Fududey. Laaluush Bixiye, Qaate iyo u dhexeeyaba Alle ayaa nacdaley. Ninka ku ceesha cudurkan, waxaan leeyahay, min fadlak , adiga oo aan cidna uga warramin, bal buug iyo qalin qaado oo lacagtii aad ka faa'iiddey ,wixii aad laaluushka ku bixisay bal xisaabi oo eeg sida ay kaaga baxdey!! Waxaan hubaa in aad ka werwetr yareyd, ka caafimaad iyo quruxba badneyd intii aanad waxan gelin. Diinteenna wanaagsan, waxa aynu ka baraney in maalka xaaraanta ahi uu gubo kii xalaasha ahaa ee la tabcadey. Busaaradda Dalka maanta dhextaallna, waa mid aynu sababteeda leenahay, waar aynu isxisaabinno , inta aan layna xisaabin!!
 
Dawladnimo waa qaanuun iyo Dastuur shaqeynaya. Haddii kuwan wax ka qalloocdaanna , Nidaamkii Dawladnimo oo dhan ayaa qalloocanaya. Waxa la hubaa ,reer Somaliland in aan ummad ka dawladnimo jeceli jirin, waxase ay garan la'yihiin Dastuurka iyo Shuruucda ay siigadu dishey sidii dhulka loola dhacayey, boodhka ka tuma oo miiska hoostiisa ka soo saara, dushiisana dhiga. Haybadda qarannimo Ciidammada qaranka oo darajooyin iyo Hoggaanadii Ciidan lahaan jirey loo sameeyo , Xilkooda Dastuuriga ahna faraha looga qaado ayey ku jirtaa, mana hayno. Goleyaashii sharci-Dejintu dalka wey joogaan oo goleyaasha wey tagaan, shuruucdii Dalkuna waa wada qabyo, Maxkamaddii Sarena , madaxtooyada ayaa Maamul ahaan loo hoos-geeyey waana mid Dastuurka khilaafsan arrinytanu, Caddaaladdan shimbir lugta ka xidhan ka dhigeysa!! Waayo madaxtooyadu haddii ay Maamuleyso, lama odhan karo wey madax bannaan tahay. Waxa warbaahinta Galbeedku Muqdisho marka ay ka hadlayaan ay odhan jireen , qabriga kaalmada shisheeyaha, waxaan ka baqayaa , Alle ha innaga soo gaadhee, Dalkanna in  qabriga xuquuqaha Dastuuriga ah iyo kuwa aadanahaba uu qoorta sudho inta uu Maamulkan maanta talada hayaa sida foodyarta ula xintamayo Muwaadinka ka mabda'a noqda!!
 
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 


No comments: