Suxufiyiin reer Somaliland ah oo ka hadlay Warar siyaabo kala duwan looga baahiyay
|     Hargeysa   (Somaliland.Org)- Koox Suxufiyiin reer Somaliland ah oo dhawaan ay suurtogeli   wayday inay tegaan dalka Kenya, halkaas oo la filayay inay kaga qayb galaan   Shir la xidhiidha arrimaha Saxaafadda xorta ah, ayaa ka hadlay Warar siyaabo   kala duwan looga faafiyay socdaalkoodaas. Suxufiyiintan oo Lix   xubnood ah, isla markaan ka kala socday lix ka mid ah Hay'adaha Warbaahinta   ee Madaxa bannaan, ayaanay u suurtogelin inay ka qayb galaan Shirkaas, ka dib   markii laga soo celiyay dalka Uganda. Warsaxaafadeed ay   arrimahaa kaga hadlayaan oo ay ka soo saareen Magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu   u dhignaa sidan; "Ujeedada shirka: 27-kii bishii November ee   2009-ka, waxa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmayay shirk u   saabsanaa horumarinta saxaafada ka hawl-gasha deegaanada afka Soomaaliga   lagaga hadlo, waxaana shirakaas soo qabanqaabisay Hay'ada Press-Now oo ka   dhisan dalka Holand, kaasoo lagu casuumay saxafiyiin ka kala socotay Jabuuti,   Somaliland iyo Soomaaliya. Dhinaca dalka   Somalililand waxa laga martiqaaday 10 suxufi oo ka kala hawl-gala hay'adaha   warbaahinta madaxa-bannaan iyo kuwa dawliga ah. Hasa yeeshee, waxa shirkaa ka   qaybgalkiisu ay u suuragashay  laba Suxufi oo kala ah Guddoomiyaha   ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Caddi Ciise (Shiine) iyo   Agaasimaha Raadyow Horyaal Maxamed Cusmaan Mire (Sayid), kuwaasoo   document-yadooda socdaalka sii gudbiyay furitaankii shirka muddo ka hor,   balse lix ka mid ah suxufiyiintas ayaa shirkaa uga baaqday arrimo dhinaca   socdaalka la xidhiidhay, halka laba xubnood oo warbaahinta dawladda ka socday   ay iyagu uga baaqsadeen arrimo shaqsiyadeed. Sla markaana waxa xusid mudan   inay Wasaarada Warfaafintu ka warqabtay shirkaasi. Waxa marag-ma-doon ah in   saxafiyiinta ka hawlgalasha warbaahinta madaxa-banaan ayna dhicin wax   male-awaal iyo iska-dhaqaaq ah oo ay ugu kicitimeen shirkaasi, taasoo ay   cadayn u tahay in keliya kharashka ku baxay uu gaadhayo toban kun oo dollar   ($10,000) iyaga oo ka amba-baxay maalin cad madaarka Egal International   Airport ee magaalada Hargeysa, iyada oo uu u dhamaystiranaa dekumentiyadoodii   sharci, balse qadar Alle iyo arrin caado ah oo caalamka aan ku cusboonayn   awgeed ay xayiraadi ku timi Madaarka Entebbe ee dalka Uganda, taasoo sababtay   inaanu dhamaantayo gaadhnay go'aan ahaa inuu dalkaasi sida ugu dhakhsaha   badan noogu soo celiyo dalkayaga. Intaa ka dibna, si raaxo lahayd ayaanu ugu   sugnayn madaarka Addis Ababa ilaa laga gaadhay dedaal badan ka dib inaanu   dalkayaga si nabadgelyo ah ugu soo noqono Axaddii la soo dhaafay. Qofkii caqli iyo aqoon   Illaahay siiyay, wuu garanayaa, isla markaana wuu dareemayaa in soo-celinta   iyo xanibaada noocan oo kale ahi ay caalamka ka dhacdo, sidoo kalena ay hore   ugu dhacday dad naga magac wayn annaga iyo kuwo kaleba, isla markaana dib ugu   dhici doonto qaar kale. Hase ahaatee, waxay is-waydiintu tahay, 'Waa maxay,   sababta ay xasaasiga u noqotay arintani, isla markaana horseeday inay warbaahinta   afka xukuumada ku hadasha iyo kuwa taageeraaba ay si xaqiiqada ka fog ugu   faafiyeen, bulshadana ugu gudbiyaan warar xaqiiqada ka fog'? Miyaan la odhan   karayn, waxa loola jeedaa abuuritaanka khilaaf iyo is-maandhaaf laga dhex   abuuro warbaahinta, iyadoo la adeegsanayo ashkhaas ku caan-baxay si-xun   wax-u-sheega, si gaar ahna dano-shaqsiyadeed dhaafsada sharafta iyo karaamada   saxaafadda. Ujeedada wararkan   ka fog xaqiiqada laga leeyahay: Waxaanu u aragnaa sababta   loo dhalan-rogayo dhacdadani inay tahay laba qoddob; Waa mida hore'e inay   hordhac u tahay shirqool iyo wanjalaad la doonayo in loo maleego labada   xubnood ee shirka ka qaybgalay iyo; In la diidan yahay oo laga masayrsan   yahay horumar saxafyiintu sameeyaan. Faafinta   Wargeyska Haatuf: Wargeyska Haatuf oo   cadadkiisii soo baxay Salaasada 01/12/2009 ee shalay ku faafiyay inay   weriyeyaal reer Somaliland ahi tahriib ugu safrayeen shir ka dhacayay   Nairobi, sideedaba maaha arrin jirta, isla markaaa waa been-abuur xaqiiqada   ka fog, iyada oo qof caqliga lihi uu garan karo in weriyeyaal dalkooda sharaf   ku haysta aanay suuragal ahayn xiisena aanay u haynin tahriib a u galaan   wadanka Kenya. Balse, warkan uu Wargeysku faafiyay loo arki karo mid uu isagu   dan gaar ah ka leeyahay, taasoo cadaynaysa inay tahay dhaqan ku cusub   warbaahinta dalka Somaliland balse wargaysku uu caadaysatay iyada oo uu hore   gef saxafinimo uga galay wariye xasan saciid oo ku hamiyay in uu dalkiisa   komishaneernimo ugu adeego. Sidoo kale, Wargeyskani waxa uu hore   gef-saxaafadeed uga galay Wargeysyada Madaxa-banaan qaarkood. Ka suxufiyin   ahaan, anaga oo tixgelin dheeraad ah siinayna xirfadayada, dabaqaynana   mihnada saxaafadeed, waxaanu ka soo horjeednaa magac-dilka, been-abuurka iyo   danaystenimada shaqsiyadeed, isla markaana waxaanu cadaynanaa in wargeyskaasi   uu xuquuqdayadii muwaadinnimo iyo tii saxaadeedba meel kaga dhacay. Waxaananu   Xukuumadda, Bahda Warbaahinta, Shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo ka   damqata jiritaanka madaxbanaanida Somaliland aanu ka tacsiyadaynaynaa gefka   been-abuurka ah ee wargeyskaasi sameeyay. Gebogebo iyo   soo-jeedin: Eedaynta la xidhiidha   inuu shirku guuldaraystay iyo inuu ku dhamaaday natiijo la'aan, taas   bedelkeeda waxa jawaab u noqon doonta midhaha ka soo baxa iyo qoddobadii   shirkaa lagaga dhawaaqay oo aanu ognahay in faa'iido iyo dan wax-ku-ool ahi   ugu jirto saxaafadda Somaliland. Iyada oo aanaan dhiirigelinayn yooyootan ka   bilaabma saxaafadda dhexdeeda, Wargeyska Haatuf waxaanu u soo jeedinaynaa   inuu ilaaliyo sharafta saxaafadeed ee isagu huwan yahay, isla markaana aanu   noqonin faash loo adeegsado magac-dilida, kala-qaybinta, boqno-goynta iyo   wanjalaada suxufiyiinta iyo hay'adaha warbaahinta. Magacyada Suxufiyiinta: 1- Cabdiweli Faarax   Jaambiir—– Wargayska Ogaal 2- C/shakuur X. Muxumed   Muuse [Heersare] — Oodweynenews.com 3- Cabdixakiim Maxamuud   Shirwac [Horn Cable TV]. 4- Cabdiqani Xuseen   Baynax—– Somalilandprees.com 5- Cabdifataax Ismaaciil   Mursa—Hadhwanaagnews.com 6- Cabdiraxmaan Cismaan   Muuse— TV-ga SLSC Somaliland.Org Hargeisa News Desk  |   
No comments:
Post a Comment