Tuesday, December 22, 2009

WAFTI SARE OO UU HOGAAMINAYE GUDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMAANKA KENYA MD FAARAX MACALIN OO DALKA YIMID

WAFTI SARE OO UU HOGAAMINAYE GUDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMAANKA KENYA MD FAARAX MACALIN OO DALKA YIMID

Wafti sare oo ka socda wadanka Kenya Gaar ah Baarlamaankiisa ayaa maanta hadhimadii ka soo degey Madaarka  Magaalada Hargeisa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa International Airport .

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin Dawaare ayaa waxa ku weheliya Saddex Mudane oo kale oo ka kal tirsan Gudiyada Nabadgelyada Dhaqaalaha iyo Horumarka ee wadanka Kenya.

Waxaana waftigan ku soo dhaweeyey Gegida Diyaaradaha  Hargeisa ee international airport  Hargeisa ,Shirgudoonka Wakiilada Mudane Cabdirahman Maxamed Cirro  Mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo Mudane Baashe Maxamed Farax, Wasiirada Arimaha Gudaha , Maaliyadda , Duqa Caasimadda Hargeisa Eng Jiciir .

Waftigan Ka socday Baarlamaanka Kenya ayaa marti qaad rasmi ah hore uga helay Baarlamaanka Somaliland .

Md Faarax Macalin ayaa shegay in ay farxad weyn u tahay in uu yimaado Somaliland oo ay tahay Markii ugu horeysay waxaanu intaa ku daray in ay wada shaqayn fiicani ka dhaxayn doonto labada Baarlamaan isaga oo hadalka sii watana waxa uu sheegay in xidhiidhadu ay yihiin waxa horumarka lagu gaadho.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Md C/raxmaan Cirro ayaa soo dalka ku soo dhaweeyey Waftigan sidoo kalena  ka waramay taariikhda soo jireenka ah ee u dhaxeeyey labada shacab isaga oo sheegay in ay wada isticmaali jireen lacag isku mid ah sidoo kalena ay ka mid ahaayen rag Somaliland u dhashay ragii aasaasay magaalada Nairobi .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hore 2006 ay u yimaadeen dalka wafti Kenya ka socday sidoo kalena ay tahay in la xoojiyo xidhiidhka wadamada Jaarka muhiimna ay tahay in la xoojiyo isaga oo intaa ku daray in wadanka Kenya yahay mid miisaankiisa leh xag siyaasi iyo xag dhaqaale ba  .

Waftigan uu hogaaminayo Md Faarax Mcalin ayaa dalka joogi doona muddo Todobaad ah.

No comments: