Faa'iidooyinka 10ka Danbe Ee Bisha Ramadaan
Waxa lagu jiraa 10kii danbe ee bisha Ramaan, waana tobanka habeen ee ugu khayrka badan sanadka iyo bisha Ramadaanba. Hadaba waxa yaabaha ay la gaarka yihiin tobanka habeen ee ugu danbeeyaa bisha Ramadaan ayaa waxa kamid ah waxa ku jira habeen ka khayr badan kun 1,000 bilood waana habeenka looyaqaan (Laylatul Qadriga). habeenka oo aha habeen ka khayr badan Kun Bilood ayaa waxa uu Alle (SWC) fursad u siiyay in dadka muslimkii ka faa'iidaystaan oo ku kabaan cimirgooda gaaban waana beenka Alle uu soo dajiryay quraanka oo qur'aanka la keenay samda ugu sokeysa ee looyaqaan Samaa u dunyaha, iyada laga soo dajay luuxul maxfuudka.
Intabdan dadka Muslimiinta ah ayaa si fiican u dareema ka faa'iidaysiga tobanka danbe ee bisha ramadaan taas oo aad arkayso in ay badidoodu habeenkii Nooleeyaan ay masaajida camiraan halka ay maalintiiina Soon ku qaabilaan. Hadaba fursada Nololeed ee Alle inagu soo gaadhisiiyaya Bisha Ramadaan ayaa Mid Alle Mooye aan aadame laga heleen waana mid u baahan in lagu shuriyo oo Alle looga mahad cilyaa waxa badan dad inala soomay Ramadaanadii hore oo aan fursada u helin in ay inagala qayb qaataan Ramadaaantan.
Hadaba waxyaabaha u gaarka ah ee lagu yaqaan Tobanka ugu danbeeya ee Bisha ramadaan ayaa waxa kamid ah Citikaafka: citikaafka oo ah ficil aad u khayr badan oo lagaga dayanayo Nabi Muxamed (scw) intabada Bulshooyinka islaamka ah ayaa waxa ay tobadanka ugu danbeeya bisha Ramadaan buux dhaafiyaan masaajida iyaga oo ku ay qaar kood ku dhex citikaafaad, aanay habeen iyo maalin midna ka dhex bixin ilaa laga gaadhayo habeenka Ciida.
Hadaba dad u badan dhalinyar oo diinta sifiican u fahantay ayaa waxa ay sanadba sanadka uu ka danbeeyo kaga soo badanayaan Citikaafka masaajida ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, taas oo ay kala siman yihiin dalyowga kale ee muslimiinta ah.
No comments:
Post a Comment