Friday, September 3, 2010

Toobadda ama Toobad keenka

Toobadda ama Toobad keenka


Bisha Ramadaan ee barakaysan Tobonkii ugu danbeeyey baynu galnay waa in la badiyo toobad keenka iyo istaaqfuralaysiga oo Allaa og waxa aynu falayno'e waa in mar kasta denbi dhaaf la dalbado,Nebigeennu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,maalintiiba boqol jeer ayuu denbi dhaaf dalban jirey,oo waxa uu inoo yahay ku dayasho wanaagsan. 

Towbadu waa fursad Alle subxaana watacaalaa siiyey qof kasta oo denbi gala,ama khaladba ka dhaco,waxa qofka la gudboon oo u shardi ah toobad keenka iyo denbi dhaafka in uu Alle u noqdo,oo ka murugoodo denbiga ama khaladkuu sameeynayey, oo uu ka waantoobo oo aanu dib ugu noqon,oo dadkana xaqooda u celiyo,Alle waa ka aqbalaa oo waa raxmad badane u denbi dhaafa Addoomadiisa:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا)التحريم)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle u toobad keena oo denbi dhaaf niyad ah oo run ah Alle ka dalbada.

Waxa mar kasta diinteennu innagu boorrinaysaa oo ina faraysaa in aynu denbi dhaaf dalbanno,oo aynaan ka daalin in aynu Alle waydiisanno oo ducaysanno,oo denbi dhaaf mar kasta dalabno:

وتوبوا إلى الله جميعاً أيّها المؤمنون لعلكم تفلحون)النور)

Aayadda:Alle u toobad keena oo denbi dhaaf dalba Muuminiintoy dhamaantiin, waxa la arkaa in aad aflaxdaane.

Waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,isagoo inoo ahaa ku dayasho,uu ku dadaali jirey in uu Alle denbi dhaaf ka dalbo,iyadoo haddana denbigisa uu Alle dhaafay mid hore iyo mid danbeba,markaa waa in Muslin kasti ku daydaa:

قالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم:يَا أَيُّهَا النَّاسُ، تُوبُوا إِلى اللهِ واسْتَغْفِرُوهُ، فإنِّي أتُوبُ في اليَومِ مئةَ مَرَّةٍ) رواه مسلم(

Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: kuwa Alle iyo Nebigiisa rumaysayeey,Alle u toobad keena oo istaaqfuranlaysta,waxa aan anigu dhenbi dhaafka dalbadaa maalintiiba boqol jeer.

Denbiga iyo khaladku way dhacaan laakiin waxa loo baahan yahay in la is qabto,oo dib looga noqdo denbiga iyo khaladka oo aan lagu noqon,Allena laga baryo denbi dhaaf."human is to err Allah to forgive":

قالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم " كل ابن آدم خطاء وخير الخطائين التوابون "

Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Bini'aadamka oo dhami wuu denbaabaa,waxana kuwa denbaaba ugu khayr badan kuwa toobad keena,ee denbi dhaafka dalbada.

Waxa qof kasta oo Muslin ah la gudboon in uu denbi dhaaf Alle ka dalbo,mar kasta oo waxa suurtagal ah in wax uu isagu u arkayo in aanay denbi ama khaladba ahayn ay yihiin denbi,oo aanu aqoon u lahaynba ama uu sahashado oo yaraysto,markaa waqti kasta waa in qofku istaaqfuranlaystaa oo denbi dhaaf dalbaa,hadduu denbi falay iyo haddii kaleba,waxana loo baahan yahay in qofku diintiisa aqoon u yeesho,si uu u kala ogaado waxa denbiga ah iyo waxa aan denbi ahayn:

إنّما التّوبة على الله للّذين يعملون السّوء بجهالة ثم يتوبون من قريب فأولئك يتوب الله عليهم وكان الله عليماً حكيما ً (النساء(

Aayadda:toobadu waxa ay ku waajib tahay kuwa u samaynaya xumaha garasho la'aan oo ay jaahil ka yihiin,dabadeedna ka toobad keenaya isla markiiba,kuwaas Alle waa ka aqbalayaa toobad keenka,oo Alle waa cilmi badane Xakiim ah.

Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa haddiiba denbi iyo khalad ka dhaco,in uu ka denbi dhaaf dalbado oo camal wanaagsan sameeyo oo qabatimo,si uu u masaxo oo u daboolo kii xumaa ee hore:
قال النبي صلى الله عليه وسلم :" اتق الله حيثما كنت واتبع السيئة الحسنة تمحها وخالق النّاس بخلقٍ حسن "

Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Alle ka baq meesha aad joogtoba,oo raaci xumaha wax wanaagsan si ay u masaxdo, kulana dhaqan dadka akhlaaq wanaagsan.

Alle subxaana watacaalaa,waa raxmad badane denbiga dhaafa,oo cid kastoo Alle u soo noqota oo toobada dalbata Alle waa ka aqbalaa.

والّذين إذا فعلوا فاحشةً أو ظلموا أنفسهم ذكروا الله فاستغفروا لذنوبهم ومن يغفر الذنوب إلا الله ولم يصروا على ما فعلوا وهم يعلمون )آل عمران)

Aayadda:kuwa hadday falaan oo sameeyaan faaxisho ama xumo oo ay dulmaan naftooda,istaaqfuranlaysanaya ee denbiyadooda ka denbi dhaaf dalbaya,yaa denbiga dhaafa Alle mooyee,kuwa aan ku sii adkaysan khaladaadka ay samaynayaan iyagoo og ee denbi dhaafka dalbaya,Alle waa ka aqbalaa.

Alle isagaa korreeyee,waa mid ay badan tahay naxariistiisa iyo denbi dhaafidiisa,oo Illaahay waa ka aqbalaa ciddii denbi dhaaf ka dalabta,waana og yahay niyaddeenna waxa ku jira oo dhan: 

الّذين يجتنبون كبائر الإثم والفواحش إلا اللمم إنّ ربّك واسع المغفرة هو أعلم بكم إذ أنشأكم من الأرض وإذ أنتم أجنّة في بطون أمهاتكم فلا تزكوا أنفسكم هو أعلم بمن اتقى) النّجم )

Aayadda:kuwa ka dheeraanaya denbiyada waaweyn iyo faxshiga xun,wax yaryar mooyee,Rabbigaa waa mid maqfiradiisa iyo denbi dhaafkiisu weyn yahay,waana og yahay oo wuu idiinka cilmi badan yahay,markii uu dhulka idinku abuuray idinkoo uurka hooyooyinkiin ku jira ha safaynina naftiinna,Alle ayaa og kiinna cabsada'e.

Haddii wax denbi ah uu si aanad filayn kaaga dhaco,Alle subxaana watacaalaa,waa

raxmad badane oo qofka uma qaado,waxa aan niyad ahaan uga soo go'in qofka ee aanu u badheedhin,laakiin wixii garasho la'aan iyo kama' uga dhaca looma qaado:

لا يؤاخذكم الله باللغو في أيمانكم ولكن يؤاخذكم بما عقدتم الأيمان(المائدة)

Aayadda: Alle idiin qaadi maayo oo idiin qori maayo wax kama' idiinka dhacay,ee wixii qalbigiinna ka soo go'ay ee aad u qasadeen,ayaa la idiin qabanayaa.

Toobad keenku waa inta aad fursada haysato ee ay goori goor tahay,ee ma aha marka talo fara ka haaddo ee qofku qirinqiir ku jiro,tusaale ahaan marka sakaraatul mawdku yimaaddo waxba kaama soconayaan:

وليست التّوبة للذين يعملون السّيئات حتى إذا حضر أحدهم الموت قال إنّي تبت الآن ولا الّذين يموتون وهم كفار أولئك أعتدنا لهم عذاباً أليما ً(النّساء)

Aayadda:toobadu uma sugnaan kuwa samaynaya xumaha ee marka ay sakaraatul mawdka dareemaan odhanaya:anigu waan toobad keenay hadda,umana sugnaan kuwa gaalnimo ku dhimanaya wax toobad ahi,kuwaas waxa Aannu u diyaarinnay Cadaab kulul.

Waqti kasta qofka waxa looga baahan yahay in uu dalbado denbi dhaafka,oo Alle ka dalbo inuu ka aqbalo toobadda iyo soo noqoshadiisa:

قال عليه الصلاة والسلام :" إن الله يبسط يده بالليل ليتوب مسئ النّهار ويبسط يده بالنّهار ليتوب مسئ الليل , حتى تـطلع الشّمس من مغربها " رواه مسلم

Xadiiska:waxa Rasuulku calayhi salaatu wasalaame yidhi:Alle wuxu fidiyaa gacantiisa Habeenkii si uu u toobad keeno ka maalintii denbaabaa,oo Maalintiina wuu fidayaa gacantiisa si qofka habeenkii denbaabaa u dalbado denbi dhaaf,ilaa ay Qorraxdu ka soo baxayso Galbeedka(yacni ilaa Qiyaamaha).

Diinteennu waxa ay ina baraysaa in qofku mar kasta istaaqfuralaysto,oo denbi dhaaf dalbado,oo waa in aanu qofna niyadda gashan in aanu denbi lahayn,Alle ayaa wax kasta u cilmi leh,innagu waynu dadaalaynaa mar kastana wixii aynaan garanayn ee nolosheenna la soo dersa,sida aynu ula dhaqanno,ee uga jawaab bixinno Allaa og,oo cilmi u lehe,waa in aynu denbi dhaafka iyo istaaqfuranlaysiga badinaa:

استغفروا ربّكم ثمّ توبوا إليه (هود(

Aayadda:Rabbigiin u istiqfaarsada oo u toobad keena.

Alle wuu jecelyahay Addoomadiisu inay ka cabsadaan oo amarkiisa raacaan,oo ka dalbaan wixii duco ah,denbi dhaafna weydiistaan:

وإذا سألك عبادي عنّي فإنّي قريب أجيب دعوة الدّاع إذا دعان فليستجيبوا لي وليؤمنوا بي لعلهم يرشدون(البقرة)

Aayadda:haddii ay Addoomadaydu i kaa weydiiyaan,waxan ahayd mid u dhow,oo aqbala ducada qofka ducaysanaya,haddii uu i weydiisto,ha iga dalbeen ducadooda hana i rumeeyeen,waxa la arkaa in ay hanuunaane.

Alle subxaana watacaalaa waa Qani,Adduunkan Isaga ayaa iska leh oo abuuray,haddii dadkoo dhan uu mid kasta Alle siiyo waxa uu dalbanayo,waxba kama naaqusayso Maalka Alle,oo Isagaa leh oo awooda wax kasta.

عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: قال الله تبارك وتعالى: ) يا ابن آدم إنّك ما دعوتني ورجوتني غفرت لك على ما كان فيك ولا أبالي، يا ابن آدم لو بلغت ذنوبك عنان السّماء ثمّ استغفرتني غفرت لك ولا أبالي، يا ابن آدم إنّك لو أتيتني بقراب الأرض خطايا ثم لقيتني لا تشرك بي شيئا لأتيتك بقرابها مغفرة (

Xadiiska:waxa Anas Ibnu Maalik,Alle ha ka raalli noqdee yidhi:waxa aan maqlay Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo leh:Alle Isaga ayaa korreeyee wuxu yidhi:Bini-Aadamow haddii aad duco iga dalbato oo iga rajeyso khayr,waan kuu denbi dhaafayaa,waxa aad samaysayba waan kuu dhaafi doonaa, umana Aabba yeelayo,Bini-Aadanow haddaad la timaaddo Arlada muggeed oo denbi ah,oo aad ila kulanto adiga oo aan ii shariig yeelaynin,waxan ku siinaya Arlada muggeed oo denbi dhaaf iyo maqfiro ah.

Qofku afka uu ku hadlo ama garanayoba wuu ku istiqfaarsan karaa,oo Alle kaga dalbi karaa denbi dhaaf,ducada denbi dhaaf dalabka ugu sarraysa ee sayidka u ahi waa tan:

قال صلى الله عليه وسلم كما في الصحيح): سيد الإستغفار أن تقول اللهمّ أنت ربّي لا إله إلا أنت خلقتني وأنا عبدك وأنا على عهدك ووعدك ما استطعت أعوذ بك من شرّ ما صنعت أبوء لك بنعمتك علي وأبوء لك بذنبي فاغفر لي فإنّه لا يغفر الذنوب إلا أنت، قال ومن قالها من النّهار موقنا بها فمات من يومه قبل أن يمسي فهو من أهل الجنّة، ومن قالها من الليل وهو موقن بها فمات قبل أن يصبح فهو من أهل الجنّة(

Xadiiska:waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi: denbi dhaaf dalbashada waxa u seyid ama boqor u ah in aad tidhaahdo:Allow Adiga ayaa Rabbigay ah,Illaah aan Adiga ahaynina ma jiro,Adiga ayaa i abuuray aniguna Addoonkaagii baan ahay,oo waxan ku taagan ahay oo oofinayaa axdiga iyo wacadkaaga inta awooddayda ah,waxan kaa magan galay waxa aan sameeyo sharkiisa,waxan kuu ogsoon ahay nicmada aad igu mannaysatay,waxana aan kuu soo bandhigayaa denbigayga ee ii denbi dhaaf(Allow)cid denbi dhaafta oo aan adiga ahayni ma jirto'e,waxa Rasuulka Alle yidhi:qofka ducadaas yidhaahda maalintii si niyad ahna u yidhaahda,haddii uu maalintaa dhinto gabbal dhaca ka hor waa Ehlu Janno,qofka ducadaas yidhaahda habeenkii si niyad ahna u yidhaahda,haddii uu habeenkaa dhinto intaanu waa beriisan waa Ehlul Janno.

Alle Isagaa korreeyee,wuu dhaafaa danbiyadoo dhan marka si dhab ah looga toobad keeno,denbiga aan la dhaafin waa Alle oo loo shariig yeelo,qof Alle u shariig yeelaya oo denbi dhaaf haddana dalbanaya Alle kama aqbalayo,ilaa uu Alle keliya caabudo:

إنّ الله لا يغفر أن يشرك به ويغفر ما دون ذالك لمن يشاء(النساء)

Aayadda:Alle ma dhaafo toobadda qof u shariig yeelaya,oo wixii aan ahayn shariig yeelidda wuu ka aqbalaa ciddii uu doono.

 

Adigoo aan dhaadeyn

Haddii qaladba kaa dhaco

Waa inaad sidii dhab ah

Uga dhiidhidaayoo

Denbi dhaaf ka dalabtaa

Waa la dhaafi doonaa

Wixii maskax ku soo dhaca

Ama aad dhacdo ahaan

Ku dhaqaaqdo fulintiis

Dhigaal weeye qoranoo

Aanay dhibic dhulkaw dhicin

Dhita aad u helaysee

Dhigo khayrka dhaxalgala

Dhayalsiga ka dheerow

Wixii maskax ku soo dhaca

Aanse dhacdo ahaan fulin

Haddii aad ka dhiidhido

Dhabna uga fogaatoo

Ka dheeraato abidkaa

Waa la dhaafi doonaa

Dhigaalkeedu khayr buu

Ku dhamaanayaa oo

Ajarkaad dhadhaminay

Ku dhaqaaqa denbigii

Khasab lagaaga dhigo een

Qalbigaa u dhaadhicin

Qiil kalena dheer yahay

Waa la dhaafayaa oo

Dhigaalku waa wixii dhab ah

Shardi baa ka dhigan oo

Waa in aad ka dhiidhi'do

Ka dheeraato goor kale

Dhaqan geliso toobada

Dhab waxad helaysaa

Dhibirsanida naxariis

Eebbe kuu dhigaayee

Dharaartii timaadaba

Dhawaaqaad tidhaahdiyo

Dhaqankaaga noloshuna

Dhidibada cibaadada

Dhadhab oo adkeeyoo

Denbi dhaafka dalaboo

Dhiirranida wanaaggiyo

Dhirta khayrka beeroo

Dhigo ajarka oo dhigo

Dhicis yaanu kaa noqon

Dhamays ha kuu ahaadee

Yuu ku dhaafin waqtigani

Dheerayn buu ku caan baxay

Cimrigaaga dhererkiis

Dhibic yaanay kaa lumin

Dhiso nolosha tii dhab ah

Dhidibada u aas oo

Denbi dhaafka dalabkii

Dhaqan ha kuu ahaadee

Dhamaystiro cibaadada

Dhega nugaylka xaqa iyo

Toobaddaa ku dhaadnoow

Denbi dhaafka dalaboo

Dhaqan geli cibaadada

 

Waxaynnu Illaaheen ka baryaynaa in uu ina ilaaliyo oo innagu sugo xaqa,oo innooga dhigo mid macaan oo aan nafteenna ku tababarno falidda cibaadada la inoo abuuray, sidoo kale Alle ha innaga dhigo,kuwa mar kasta carrabkooda iyo laabohooda ay ku jirto cabsida Eebbe,mar kastana dalbada denbi dhaaf oo istaaqfuralaysta,kuna noolaada digriga Eebbe iyo tasbiixdiisa.Aamiin,Aamiin,Aamiin.

 

Saeed Ibrahim Hussein

No comments: