Farxadda Ciidka
  Ciidal fidriga:Waa Ciidka Maalinta Muslimiintu dhamaystaan Bisha Ramadaan oo ay soo gebagebeeyaan Soonkii Bisha Ramadaan,waa farxad qofku ku faraxsan yahay Soonkii uu soo gutay oo uu Alle ugu shugri iyo mahadnaqayo inuu ku guuleysiiyey inuu u guto si wanaagsan oo uu ajar iyo derejo sare Alle ka filayo.
 Ciidku waa Maalin qiimo badan oo Illaahay subxaana watacaalaa siiyey Ummadda Muslimiinta ah inay farxaan oo niyadda gashadaan inay abbaalgud fiican Alle ka heli doonaan.
 Maalinta Ciidka waxay Muslimiintu gutaan Salaadda Ciidka markay Qorraxdu soo baxdo ilaa 15 daqiiqo ka dib,Salaadda ka dib waxay is weydaarsadaan isu hambalyayn iyo duco,waxanay soo siyaartaan Ehelada iyo Qoysaska Silatu riximku ka dhexeeyo,sidoo kale Asxaabta iyo Saaxiibbada ,waxay dadku isweydaarsadaan booqashada iyo siyaarooyinka Jiiraanka oo ay isa soo salaamaan farxadda Ciidka oo ay wadaagaan dareenka farxadeed iyo barakada maalintu leedahay.
 Waxa fiican in Qofku ku bilaabo cuntada aroortii hore dhawr xabbo oo Timir ah ama keegga ciidka,ka dib waa inuu guda galaa isu diyaarinta Salaadda ciid iyo Farxadda ciidka.
 Sakada Fidriga:Waxa qof kasta oo Muslin ah oo haysta Quudka maalintaa uu cunayo ha yaraado ama ha weynaado'e ku waajib ah inuu bixiyo Sakada Fidriga taas oo Salaadda horteeda ay tahay in la bixiyo,waana bannaan tahay Maalin ama Laba maalmood ka hor ciidka in la bixin karo sida Culimadu sheegeen.
 Farriin Ciid
Farxad qiima badanoo
Feedhaha guntoodiyo
 Fogaanteedu dheertay
Fasirkeedu wacanyahay
 Faalladeedu badan tahay
Fahankeedu door yahay
 Fidiyoo hawada iyo
Fiilooyinkaa wax kala wada
 Finiinkeeda raacsii
Foolkeed adayska leh
 Foorwaardhna siiyoo
Fireenada kalee badan
 Fursad kale u siiyee
Farriin khayr leh iga hoo
 Farxadda ciidku leeyiyo
Filo ajarka badanoo
 Fardawsiyo Jannada sare
Farxad aan dhamaan iyo
 Fursad Eebbe kula rabo
Faraskaagu ha ku dego
 Faanku waa nasiibkee
Fiyoonaanta camalkiyo
 Firroonaanta doorka ah
Faylka derejo kuu qoran
 Fidh inuu ahaadoo
Fayo qabo jeclaannoo
 Filashada wanaagga ah
Foolaadin khayrka ah
 Fiid iyo Aroortii
Ficil kastoo yimaadaba
 Fulintiisa meelee
Farshaxankiisa qaabee
 Fari kama qodnaatee
Firfircoonidaaduna 
 Feejignaanta yay gabin 
Farxad weeye maantee
 Fagaaraha is keenoo
Fidrigayska bixiyoo
 Fidiyoo salaamaha
Farxadaha ka qayb gala
 Farriin kalena iga hoo
Ha furfurin dadaalkii
 Fasax haysa siinoo
Falahsi yaanu imanine
 Farahaa ku hay oo
Ku sii fara adaygoo
 Faylkii cibaadada
Feejignaan u gudo oo
 Fursadi yaanay kaa lumin
Filo inaynnu safarkaa
 Fiidka dhow ka fulaynnoo
La faydaayo dunidoo
 Faahfaahin camallada  
Fasirkeedu ifayoo
 Farxaddaadu joogtiyo
Fidh ha kuu ahaatee
 Fidso adigu khayrkoo
Ciidka waynu faraxnee
 Casha kasta farxaan noqo
Farxadaha ka qayb gala
 Farxadaha ka qayb gala.
Ciid wanaagsan Sannad kasta ku waar Khayr iyo Wanaag,Alle ha kuu barakeeyo xooggaaga,xeeshaada iyo xoolahaaga,Aamiin If & Aakhiro Ixsaan mudo Aamiin Aamiin Aamiin.
 Saeed I.Hussein
No comments:
Post a Comment